Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah saldhigyadda booliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Saldhigyada booliiska ee wasiirku xalay tagey ayaa kala ahaa Saldhigyada Kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar Jajab, waxa uu soo indha indheeyay sida shaqadu u socoto, isagoo warbixin o ka dhageystay taliyayaasha saldhigyadaasi.
Wasiirka amniga ayaa sheegay in howlgalka hub uruurinta ah uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimadda.
Wuxuu tilmaamay in habeen iyo maalinba ay ciidamadu wadaan howlgallo qorsheysan oo lagu sugayo ammaanka caasimada kaasoo socondoona tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee dalka.
Dhanka kale wasiirka amniga ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay tuulada Af urur, ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari Puntland