Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayay Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si diiran loou soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo xubno kale ayaa waxaa socdaalkooda la xiriiray u kuurgelidda xaalada magaalada Caabudwaaq iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jirta degmada.

Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka dhageystay xaaladaha caafimaad iyo waxbarasho ee ka jirta magaalada, waxaana ay ku soo wareegeen qeybaha kala duwan ee magaalada, iyagoo socod ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka caanka ah ee magaalada Caabudwaaq, halkaasi oo ay gacan qaadeen qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo watay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo lagu taageerayo socdaalka Madaxweynaha Galmudug.

Waa safarkii ugu u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug  iyo wafdi uu hogaaminayo uu ku tago magaalada Caabudwaaq tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...