Faahfaahin Dheeri ah oo ka soo baxayo weerarkii ka dhacay London.

Date:

Booliska Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in lix qofood ay ku dhinteen 30 kalana ay ku dhaawacmeen kadib laba weerarar oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada London.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa toorreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Raysalwasaarahada Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale waxa ay toogasho ku dileen ragg looga shakisan yahay Weerarkaasi.

Dadka Shacabka ayaa loogu baaqay in aysan guryaha kasoo bixin inta laga xaqiijinaayo Xaaladda.

Labo todobaad ka hor ayaa Weerar ay ku dhinteen dad ka badan 22 qof , waxaa uu ka dhacay Magaalada London.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...