Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo furay xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada

Date:

Munaasabadda lagu furayay xafiiska diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo uu maanta Muqdisho ka horgaliyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamanka, ururrada siyaasadeed iyo xubnaha guddiga doorashada.

Maxamed Cumar oo ah madaxa xafiiskan ayaa sheegay in hawlo balaaran ay horyaalaan si loogu guulaystana loo baahan yahay inay si wada jir ah u wada shaqeeyan ururrada siyaasadeed iyo guddiga doorashadu.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in malxalado kala duwan oo doorasho uu dalku soo maray, balse haatan ay u hawl galayaan in sanadka 2021-ka la gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Kamaal Daahir Guutaale oo ka mid ahaa xubnaha ka socday ururrada Siyaasadeed ee goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in la dhamaystiro xeerarka muhiimka u ah in dalku gaaro doorasho hufan.

Xildhibaan Zaynab Caamir oo ka tirsan guddiga arrimaha gudaha iyo Federaalka ee golaha shacabka ayaa ururrada siyaasadeed ku boorisay inay ka fogaadaan qabyaaladda si looga gudbo nidaamka wax ku qaybsiga 4.5 ee ay dowladda Federaalka wax ku qaybsato iminka.

Furitaanka xafiiskan lagu diiwaan galinayo ururrada siyaasadeed ayaa ka mid ah talaabooyinka loogu sii dhawaanayo in doorasho guud oo xor ah ay ka dhacdo dalka 2021-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...