Cali Iidoow oo Calanka Soomaaliya geeyay fiinalka Orodka 1500 Mitir Ciyaaraha Olombikada Islaamka

Date:

Cali Iidoow Xasan oo orda orodka 1500 (kun iyo shan boqol) Mitir ugu tartamaya Soomaaliya Ciyaaraha Olombikada Islaamka ayaa usoo gudbay wareega Fiinaalka.

Ciyaarahanan oo ah ciyaarihii afaraad ee Olombikada Islaamka ayaa ka socda magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan , waxaana Cali Iidoow qeybta labaad ee isreebreebka kula tartamayay ciyaaryahanada ELKAAM Fouad oo Morocco u dhashay, SHAWEEN Mohammed oo dalka Sacuudiga u dhahay, SEUREI Benson Kiplagat oo Bahrain ah iyo DZHOLOMANOV Musulman oo Kazakhstan udhashay, waxuu ku dhameystay kaalinta afaraad, isagoo u gudbay wareega kama dambeysta orodka 1500 mitir, isagoo kasara marayay Ciyaaryahan reer (Kazakhstan oo wareegan ku haray.

Halkan ka aqriso saacadaha ay ciyaartoyda u ku ordeen.

ELKAAM Fouad             3:54.33 Qualified (baasay)

SHAWEEN Mohammed 3:55.95 Q

3 321 SEUREI Benson Kiplagat 3:56.96 Q

Ali Idow Hassan 3:57.83 Q

DZHOLOMANOV Musulman 3:58.27

Calaamadda  (Q) waxay u taagan tahay ( Qualified) baasay  ama gudbay,

Isreebka Reebka Orodka 1500m guud ahaan waxaa labada qeyb ee Isbreebka ku tartamay 23 ciyaaryahan waxaa Cali Iidoow uuu suura geliyay inuu calanka dalkeena geeyo fiinaalkaa orodka.

Fiinaalka orodka ayaa dhici doona 20 May oo ah maalinta beri ah, waxaana ku tartami doona 12 ciyaaryahan waxaana la ordi doonaan  Saacadda 4:00 galabnimo xilliga geeska Afrika,

Waaxda Warfaafinta GOS

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...