Ciidanka Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay Burcad dhac kasoo geystay deegaano katirsan Puntland

Date:

Ciidanka Booliiska ee Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ku guuleeystay kadib howlgalo ay ka
sameeyeen deegaanada gobalka Mudug  in ay gacanta kusoo dhigaan gaari Landcruser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi gaarigaas  oo laga soo dhacay sadax maaalmood ka hor deegaano ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland isla markaana loola soo baxsaday dhanka deegaanada Galmudug

Taliyaha qeybta Booliiska gobalka Mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaana warbaahinta qaranka u sharaxay howlgalka ay ciidamadu kusoo qabteen gaarigaan iyo ciddii  soo dhacday oo uu xusay in ay ku xiran yihiin saldhiga ciidanka Booliiska dagmada Gaalkacyo ee Galmudug

“Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa” ayuu yiri

Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay ciidanka booliiska Galmudug sida ay markasta ugu heelan yihiinn ka hortagista falalka noocaan oo kala ah iyo in lagu wareejiyo gaarigeedii oo badqaba waxaana dhanka kale wasiiradu ay soo dhaweeysay wada shaqeynta ciidamada Booliiska gobalka Mudug ee Galmudug, iyadoona ugu baaqday in ay sii xoojiyaan howsha lagaga hortagayo cid kasta oo isku dayda in falal amaanka wax u dhimi karta ay ka sameyso deegaanada gobalka Mudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi: “Furimaha hore ayaan ka hoggaamin doonaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.”

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, waxaa si habsami...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Magaaladda Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dalagyo kula duwan u qeybisay qooysas ku sugan Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,...