Wasiir Cabbaas: Shakhsi Muhiim Ah oo Ka Baxay Qaranka

Date:

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay.

Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa waxay soo gaabiyeen booqashadii ay halkan ku joogeen, waxa ayna berri dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan aaska qaran ee loo sameynayo marxuumka.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

Innaa Lilaahi Wa innaa ilayhi raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...