Wareeggii labaad ee Doorashada Galmudug oo Cadaado ka Socota

Date:

Doorashada Madaxweynaha  Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa ka billaabatay Xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkaasi ee magaalada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin Xildhibaannada dooran lahaa Madaxweynaha iyo Musharaxiintii u tartameysa.

Waxaa hoolka Doorashada ay ka dheceyso  ku sugan Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka soomaaliya oo u ka mid yahay  Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Xubno kale.

Musharaxiinta u tartamaysa Doorashada Xilligaan socota waxaa ka mid ah

1-Axmed Shariif Cali Hilowle

2 Axmed Ducaale Geelle Xaaf

3- Prof. C/qaadir Shirwac

wareeggii koowaad ee doorashada ayaa u dhacday

1 Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay  24

2 Axmed Ducaale Geelle oo helay  57

3- Prof. C/qaadir Shirwac oo helay  7

Tirada Xillibaannada Cod bixiyaasha ayaa ah 89 Xildhibaan, iyadoo guddiga  doorashada Galmudug ay ku dhawaaqeen natiijadaan  horu dhaca ah taas oo keentay in Wareegga labaad ay u tartamaan

Axmed Shariif Cali Hilowle oo helay  24 iyo

2 Axmed Ducaale Geelle oo helay  57

Haddaba wixii soo kordha dib nagala soco Insha Allah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...