Jabuti iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiisyo

Date:

Labada dal Jabuti iyo Rwanda ayaa kala saxiiday heshiisyo ka kooban shan qodob, oo ay ka mid yihiin maalgashiga, dhinacyada dibolomaasiyayda, horumarinta Isgaarsiinta iyo in la abuuru guddi wadajir ah oo ka shaqeeya fulinta qodobada lagu heshiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuti Mudane Ismaciiil Cumar Gelle oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabadaasi ay laba dal ku kala saxiixinayaan heshiisyadaasi ayaa ka hadlay waxtarka heshiisyada noocan ,wuxuuna sheegay in Afrika ay awood u leedahay  inay si quman uga faaideystay kheyraadkeeda dihin oo weli si quman looga faaiddeysan.

Dhinaca kale Madaxaweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo isna munasabadaasi ka hadlay ayaa sheegy in labada dal Jabuti iyo Rwanda ay wadaagaan hadaf qura oo ah dhismaha Qaaradda Afrika oo amnigeedu sugan yahay kana  fog dagaallo.

Madaxweynaha Rwanda waxa uu uga mahadceliyay Dhigiisa Jabuti sida diiran iyo hab maamuuska sare  leh ee loogu soo dhaweeyay Jabuti.

WD/Mukhtaar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...