Munaasabad lagu xusayay Maalinta todobaadka Dhirta Soomaaliyeed kaasi oo looga hadlayay dhibaatada ay u leedahay xaalufinta dhirta deegaanka oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda SIU ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda SIU ardayda wax ka barata Jaamacadda aqoonyahanno, Waalidiin, Xildibaanno iyo marti sharaf kale.
Inta ay munaasabada socotay ayaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda SIU waxa ay goobta ku soo bandhigeen dhibaatada ay leedahay xaalufinta dhirta iyo sidii loo joojin lahaa.
Fowsiya Aadan Maxamed oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda SIU gaar ahaan kuliyadda beeraha ayaa tilmaamtay in xaalufinta dhirta ay keeni karto nabaad guur.
Madaxa Maammulka iyo maaliyada ee Jaamacada SIU Suheyb Cilmi Dhuxulow oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in maalinta xaalufinta dhirta Soomaliyeed ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed qiima weyn isla markaana looga baahanyahay bulshadu in ay ka qeyb qaataan joojinta xaalufinta dhirta.
Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed in ay meel ugu soo wada jeestaan sidii loo joojin lahaa xaalufinta dhirta.
Wasiirkii hore ee beeraha Ahna Gudiga Abaaraha Qaranka Maxamed Cabdi Baafe ayaa ka hadlay dhoorka ay ka qaadan karto dhirta horumarinta deegaanka, wuxuuna ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay door muuqda ka qaataan joojinta xaalufinta dhirta.