Eng. Yarisow “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaaraha ee dalka ka socda”

Date:

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii maanta ay kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay kooxaha argagaxisada ah ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas. Qaraxa miinada ay argagaxisadu doonayeen inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaa waxaa nasiib wanaag ah in uu EEBBE ka bad-baadiyey oo aysan jirin wax khasaare ah ama dhaawac ah. Gaarigii ayaa halkaas ku gubtay, dadkii saarnaana waa ay bad-baadeen dhammaantood.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.”
DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS...

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...