Madaxweynaha CAF oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Waxaa soo gaaray magaaladda Muqdisho 57-sanno jirka dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo CAF Mr Ahmed Ahmed.

Garoonka dayaaradaha dalka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid tahay wasiirka Wasaarrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab.

Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika, ayaa lagu waddaa inuu soo kormeero goobbo muhiim u ah cayaaraha sida Garoomada Cayaaraha ee ku yaalla dalka.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Mr:- Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...