Mareykanka oo bamki ugu cuslaa xalay ku riday mintidiinta ka dagaallanta Afqaanistaan

Date:

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay xalay adeegsadeen mid ka mid ah Bambooyinka ugu waaweeyn ee Mareykanku heysto kaasoo aan Nukliyeer aheyn, waxeyna ku rideen godad ay kooxaha mintidiinta ah ku leeyihiin dalka Afqaanistaan.

Bamka oo lagu magacdarayo “hooyada bambooyinka” ayaa qaraxiisu waxa uu la eg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan mintidiinta gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu habboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay mintidiinta.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka...