Mareykanka oo bamki ugu cuslaa xalay ku riday mintidiinta ka dagaallanta Afqaanistaan

Date:

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay xalay adeegsadeen mid ka mid ah Bambooyinka ugu waaweeyn ee Mareykanku heysto kaasoo aan Nukliyeer aheyn, waxeyna ku rideen godad ay kooxaha mintidiinta ah ku leeyihiin dalka Afqaanistaan.

Bamka oo lagu magacdarayo “hooyada bambooyinka” ayaa qaraxiisu waxa uu la eg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan mintidiinta gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu habboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay mintidiinta.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...