Soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo ka socota Garoonka Aadan Cadde

Date:

Qabanqaabada xaflado loogu diyaargaroobayo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha ย Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Gole Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo diyaar u ah inay soo dhoweeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Taabid Cabdi Macalin.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Macalin ayaa waqti dhow ย ku soo fool leh Muqdisho,isagoo ka soo ambabaxaya magaalada Nairobi oo uu gaaray laba cisho kahor.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in todobaadkaย  soo socoda uu xilka kala wareego Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, kaasoo xilka laga qaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...