Xafladan lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa soo qaban qabaabiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.
Dhalinyarda kulanka ka hadashay ayaa u bogaadiyay Magacaabista Gudoomiye Taabid Cabdi waxaana ay ugu baaqeeyn inuu la yimaado waxqabad iyaga oo u mahadceliyey Gudoomiyihii hore iyo duqii Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Cumar C/salaam Maxamed Gudoomiyaha Daladda Dhalinyarada Gobolka Banadir oo ahaa madaxa qaban qaabiyayaasha kulanka ayaa sheegay inay dhalinyarada ay garab taagan yihiin Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho si uu guto howlaha horyaala.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego maalmaha soo aadan waxaana uu sheegay inuu ka shaqeyn doono hormarka Gobolka Banaadir.