Maamulka Gobolka Bakool oo deeq gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah

Date:

Maamulka Gobolka Bakool ayaa maanta deeq raashiin gargaar ah oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Switzerland gaar ahaan Magaalada Zurich gaarsiiyey degaanka Tuboy oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Deeqdaan oo ka kooban Bariis iyo Saliid  ayay Jaaliyaddu u soo wakiishteen in deeqdaan lagaarsiiyo Gobolka Bakool Cashar Xasan Cumar iyo Maxamed Abshir Kaahiye , waxaana ka faa’ideystay 70 qoys oo degan tuulada Tuboy oo noloshoodu aad u liidatay.

Gguddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur  oo deeqdaan la socday ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo deeqdaan walaalahooda u soo dhiibay, wuxuna sheegay in cidii ku haboonayd ay gaarsiiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday in gurmad kooda ay sii laba laabaan maadaama Gu’ga uusan weli ka di’in degaanada Gobolka Bakool.

Degaankaan waxa magaalada Xuddur u jiraa 8km dadka ku nool waa muruqmaalato waxaana noloshooda saamaysay  abaarta,  mana haystaan Ceelal ay biyo ka cabaan waxay dhabarkooda u soo biyo dhaansi tagaan magaalada Xuddur ee xaruunta Gobolka Bakool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...