Dowladda Mareykanka oo xalay gantaalo ku garaacay Siiriya

Date:

Dowladda Mareykanku ayaa xalay gantaalo ku garaacday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Suuriya.

Weerarkan ayuu Mareykanku sheegay in uu jawaab u ahaa,   weerar loo adeegsaday Kiimiko oo lagu qaaday dad rayid ah maalmo ka hor,  kaas oo lagu eedeyay xukuumadda Bashar al-Assad. waxaana la sheegay in weerarkaasi ay  ku dhinteen in ka badan boqol qofood oo rayid ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  56 gantaal oo nooca Tomahawk ah lagu garaacay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Suuriya waxaana laga soo riday maraakiib kuwa bur burburiyayaasha ah oo ay cidiamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku bartilmaameedsadeen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya.

Mareykanka ayaa sheegay in uu ka jawaabidoono haddii ay dhacaan  weeraro kale oo noocan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...