Diyaarado ka baxay Muqdisho oo lagu baaray Garoonka Wajeer

Date:

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in Diyaarado ka baxay garoonka Muqdisho oo ku sii jeeday Nairobi lagu leexiyay magaalada Wajeer.

Cillad Farsamo oo dhinaca maamulka ah awgeed ayaa keentay in labada diyaaradood lagu leexiyo magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, diyaaradaha ayaa waxaa ka dhimanaa warqado ay bixiso Wasaaradda Gaadiidka Kenya sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha duulista hawada ee labada dal.

Heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsanaa dulimaadyada tooska ah waa mid shaqeynayaa isla markaana aysan jirin wax caqabad oo hortaagan, waxaana laga codsanayaa shirkadaha maamula diyaaradaha in ay qaataan warqadaha lagama maarmaanka u ah duulimaadyada tooska, sida warqadda duulimaandka waqtiyeysan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxay si aad ah uga xuntahey waqtiga ka dhumay rakaabkii saarnaa diyaaradaha lagu leexiyey Wajeer, waxayna rajeynaysaa inaysan dhicin markale.

Hay’addu waxa ay caddeysay in wixii hadda ka dambeeya aysan dhici doonin arrinta shalay dhacday oo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...