Ciidamada amniga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka wada magaalada Jowhar

Date:

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar arbushaad ah oo xalay maleeshiyaadka ka tirsan  Al-Shabaab ay ka sameeyeen xaafad ka ka mid ah degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, iyadoo aysan jirin cid ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dayay in xaafadda Hanti wadaag oo ka tirsan degmada Jowhar ay ka geystaan weeraro gaadmo ah, waxaana arrintaasi ka hortagay ciidamada amniga, kuwaasi oo kala ceyriyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Howlgallo ammaanka la xariira ayay ciidamada ka wadaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Jowhar, kuwaasi oo lagu baadi goobayo dad lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen isku day weerar oo xalay ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Jowhar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...