Duqa Muqdisho oo Guddoomiyay Shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo qorshe-hawleedka lixda bilood ee soo socota.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in mudnaanta la siiyo kor u qaadista nadaafadda Muqdisho, joogteynta ololayaasha bilic-soo-celinta, horumarinta adeegyada fayadhowrka iyo xoojinta wada-shaqeynta bulshada. Sidoo kale, maamullada degmooyinka ayaa lagu amray inay si joogto ah ula socdaan hirgelinta qorshayaasha horumarinta caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku adkeeyay in dhammaan degmooyinka ay si buuxda u dhaqan-geliyaan Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda Gobolka Banaadir, si loo ilaaliyo bilicda magaalada loona xaqiijiyo bedqabka deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...