Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Mudane Gordan Grlić Radman, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Yurub ee Jamhuuriyadda Croatia, iyadoo kulankaasi uu qabsoomay xilli ay socotay Madasha Dubrovnik Forum, si looga wada hadlo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Intii uu kulanku socday, labada Wasiir waxay kala saxiixdeen Is-afgarad (Memorandum of Understanding) oo ku saabsan Wadatashiyada Siyaasadeed, kaas oo dhigaya hannaan rasmi ah oo lagu joogteynayo wada-hadallada siyaasadeed, laguna xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Labada Wasiir waxay si diirran u soo dhaweeyeen horumarka muuqda ee laga

gaaray xiriirka labada dal tan iyo kulankoodii ka dhacay magaalada Brussels bishii Nofeembar 2025, oo ay ka mid ahayd aqbalidda Safiirkii ugu horreeyay ee aan degganayn ee Soomaaliya u qaabilsan Croatia. Waxay sidoo kale dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Croatia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...