Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska 66-aad ee sanad-guurada aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee ciidanka, iyo sidoo kale qoysaskooda.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka doorka weyn ee ay ka qaataan difaaca dalka iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in ciidanku aysan ku ekaan in shacabka ku difaaca hubka oo keliya, balse ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo badbaadinta shacabka dhibaateysan.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed. Kaliya kuma difaacaan qori, balse sidoo kale way u gargaaran. Maanta guusha ay gaareen taariikhda ayaa qori doonta, Hambalyo.”
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka, ay sameeyeen horumarro muuqda, isla markaana uu carrabka ku adkeeyay in dal aan ciidan lahayn uusan dhismi karin. Wuxuu xusay in khaladaadka ay galaan shaqsiyaad kooban aan lagu eedeyn karin guud ahaan ciidanka, isla markaana kuwa dambiyada gala la horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Hankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo goob joog ka ahaa munaasabadda, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gaareen heerkii ugu fiicnaa, islamarkaana ay jiraan guulo la taaban karo oo ay ka gaareen howlgallada, kuwaas oo ay ka mid tahay isku furkii waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa isaguna sheegay in ciidanku ay yihiin kuwo ku suntan adkaysi iyo geesinimo, isla markaana ay sharaf weyn u tahay in maanta loo dabaal-dego sanad-guurada 66-aad ee aasaaskooda.
Ugu dambeyn, masuuliyiin kala duwan oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo ku ammaanay guulaha ay u soo hoyeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
