Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Date:

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha Xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday.

Mudane Xamsa oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha hoos ku xusan.

1- Mudane Yuusuf Cali Maxamed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

2- Mudane Maxamed Saney Dalmar

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.

3- Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

4- Mudane Guuleed Cabdijaliil Cali

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

5- Mudane Yuusuf Xasan Isaaq

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

6- Mudane Maxamed Xasan Shire

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...