Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta kulan la qaatay sii-hayeyaasha wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa kulanka furay, isagoo ka qeyb-galayaasha warbixin ka siiyay ujeedka safarka wafdiga uu hoggaaminayo ee Baydhabo, wuxuuna ku boorriyay in la dardargeliyo howlaha wasaaradaha si aysan hakad u gelin adeegyada loo hayo bulshada.
Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda Guddoomiyaha iyo wafdigiisa warbixin ka siiyay howlaha ay u hayaan bulshada reer Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta in ay xoojiyaan adeegyada bulshada, isla markaana ay sii wadaan shaqada wasaaradaha inta laga qabanayo doorasho ay ku qanacsan yihiin shacabka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
