Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo ka qabsoomay magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya, waxaana wefdiga Soomaaliya hoggaaminayay Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Mudane Maxamed Haaruun Maxamuud.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta waxqabadka dalladda, iyadoo Kenya loo doortay hoggaanka sannadka soo socda, Kalana wareegtay Itoobiya, isla markaana la ansixiyay qorshe-hawleedka cusub. Soomaaliya ayaa sidoo kale warbixin ka bixisay xaaladda Xuquuqda Aadanaha iyo horumarka laga sameeyay dhismaha guddiga cusub.
Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa xusay in qaraar ay Qaramada Midoobay bishii Oktoobar 2025 soo saartay ku wareejisay masuuliyadda la socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka oo door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka.
Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeeka iyo Commissioner Cali Maxamed Cilmi ayaa kulamo doceedyo la yeeshay dalalka Itoobiya iyo Kenya, kuwaasi oo laysku soo qaaday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka , iyadoo sidoo kale la ballan qaaday in la dedejiyo ka mid noqoshada Soomaaliya ee shabakadda hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Afrika.

