Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray waddo laami ah oo muhiim ah oo isku xirta isgoysyada Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sii wadista dib u dhiska dalka, gaar ahaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka,isagoo ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir dadaallada ay ku bixinayaan soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri“Isbeddelka aan u dulqaadanno, si dalku uu horay ugu socdo waana muhiim in inaan ka gudubnaa 30-kii sano ee aan ku jirnay xaaladaha adag”.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Dhismaha waddadan waxaa fuliyay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray tayeynta iyo adkeysiga waddada oo xilligaan diyaar u ah isticmaalka maalinlaha ah ee gaadiidka.

Barnaamijka dib u dhiska iyo dayactirka waddooyinka waxa ay qeyb ka yihiin dadaallada dowladda Federalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ay ugu jiraan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...