Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeeduna yahay shuruucda dalka.
Doorashadu waa xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana door muhiim ah ka qaata kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo ka qaybgalka bulshada in ay doortaan cidda ku matalaysa hey’adaha kala duwan ee heerarka dawladda.
Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay caddeyneysaa in geeddi-socodka doorashooyinku uu yahay mid toos ah, xor iyo xalaal ah (free and fair), kuna saleysan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay xaqiijinaysaa in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh geeddi-socodka doorashooyinka ay dhowaan gudan doonaan waajibaadkooda si waafaqsan shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa ka go’naashaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada, dimugraadiyadda iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan.

