Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, kaddib markii dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay xaruntaasi.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay howl-wadeennada kala duwan ee ka howlgala Agaasinka Waxbarashada, kuwaas oo uga warbixiyay howlaha ay bulshada u hayaan iyo horumarka laga sameeyay adeegyada waxbarashada ee gobolka.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Agaasinka Waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay u hayaan bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Banaadir ay mudnaan gaar ah siinayaan horumarinta adeegga waxbarashada, si waalidiinta canshuur bixiyeyaasha ah ay ubadkooda ugu helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

“Waxaan dhawaan saxiixay lacag ku dhaw saddex boqol kun oo doolar oo loogu talagalay horumarinta dugsiyada waxbarashada Gobolka Banaadir sanad dugsiyeedkiiba, taas oo aan sii kordhin doonno, iyadoo ay barbar soconayaan qorshayaal lagu dhisi doono dugsiyo waaweyn,” ayuu yiri Duqa Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu waalidiinta ugu baaqay in ay ubadkooda u diraan dugsiyada waxbarashada si looga hortago jahliga loona xoojiyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

Dhankiisa, Dr. Muungaab ayaa tilmaamay in la fududeeyay helitaanka shahaadada dugsiga dhexe, taas oo hore caqabado uga jireen, isagoo bahda waxbarashada kula dardaarmay in si hufan oo cadaalad ah loo qaado imtixaanaadka sanad dugsiyeedka ee soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...