Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo kormeeray dhismaha ceel-biyood ay yeelanayso Wasaaraddu

Date:

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS,Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa maanta kormeeray goobta laga qodayo ceel biyood loogu talagalay xarunta Wasaaradda.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirka ayaa ka xog-wareystay injineerada hawlaha la xiriira farsamada iyo hamsami u socodka ceelka.

Ceelkan cusub waxa uu qayb ka noqon doonaa dadaallada Wasaaradda ee lagu xaqiijinayo helitaanka biyo joogto ah oo ay Wasaaraddu u madax-bannaan tahay, isla markaana lagu dhimayo kharashka ku baxa Biyaha.

Wasiirka waxa uu sidoo kale kormeeray nidaamka laga dhaliyo tamarta ee cadceedda ku shaqeeya, (solar power system) ee dhowaan lagu rakibay xarunta Wasaaradda, kaas oo bixinaya koronto nadiif ah, joogto ah isla markaana hoos u dhigeysa ku tiirsanaanta ilaha kale ee korontada.

Mashruucyadan waxa ay ka tarjumayaan dadaallada Wasaaradda ee ku wajahan isku-filnaansho, hufnaan iyo xalalka waara, iyagoo sidoo kale qayb ka ah u diyaar-garowga xarig-jarka rasmiga ah ee xarunta Wasaaradda oo la qorsheeyay in la qabto bisha Ramadaan kaddib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi...

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay qoysaska ay abaartu sameysay ee ku nool gobolka Hiiraan

Gargaar biyo-dhaamin ah ayaa loo sameeyay bulshada ku dhaqan...

Bandhigga Ganacsiga Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadija...

Degmada Cabdi Casaiis oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Cabdi Casiis oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa...