Bandhigga Ganacsiga Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa si rasmi ah magaalada Mogadishu uga furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed, kaas oo qeyb ka ah xuska 8-da Maarso iyo Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka warbixisay ahmiyadda haweenka iyo kaalinta ay ka qaataan horumarka dalka,iyadoo sheegtay in bandhiggan uusan ku koobnayn ganacsiga oo kaliya, balse sidoo kale haweenka lagu siin doono baaritaanno iyo daaweyn caafimaad oo lacag la’aan ah, si loo garab istaago haweenka danyarta ah.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed Xersiyo Abdulle Siyad iyo Duniyo Mohamed Ali oo matalayay ururrada haweenka ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda hindisahaan lagu taageerayo haweenka ganacsatada iyo kuwa danyarta ah.

Bandhiggaasi waxaa kaloo ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mohamed Bashir Omar iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Bilan Bile Mahmoud,

Soomaaliya sanad kasta waxay xustaa Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka (8-da Maarso), iyadoo sanadkan diiradda la saaray abuurista fursado dhaqaale iyo taageero caafimaad oo loo fidinayo haweenka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...