Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Date:

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta Safaaradda.

Afurkan qiimaha badan ayaa waxaa ka soo qaybgalay danjireyaal kala duwan, masuuliyiin ka socday Dowladda Kenya, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo bangiyada, culumaa’udiin, aqoonyahanno, xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahda warbaahinta.

Munaasabaddan afurka oo ku beegnayd Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ahayd mid lagu muujinayay wadajir, is-ixtiraam iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya, iyo sidoo kale bulshooyinka walaalaha ah ee labada dal.

Bisha Ramadaan, oo ah xilli lagu xoojiyo cibaadada, is milicsiga, naxariista iyo is garab istaagga bulshada, waxay xasuusinaysaa muhiimadda ay leedahay wadajirku. Wadajir u afuristu waa astaan muujinaysa midnimo iyo xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya dalalka iyo bulshada, gaar ahaan xilliyada barakeysan.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga mahadcelineysaa dhammaan martidii sharafta lahayd ee ka soo qayb gashay munaasabaddan, isla markaana nala wadaagtay fiidkan qiimaha badan. Safaaraddu waxay rajaynaysaa in bishan barakeysan ay sii xoojiso nabadda, isfahamka, deeqsinimada iyo wadajirka bulshada, ayna horseeddo iskaashi iyo xiriir sii kobca oo ka dhexeeya labada dal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...