Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026
1’Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, oo ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka, abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
2′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee aqbalay gogoshii xukuumaddu u fidisay 19-kii bishii Janaayo 2026.
3′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
3′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro-dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thaani, iyagoo diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
4′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulammada doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
5′ Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa ugu baaqay bulshada midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay inay u naxariistaan dadkeenna ay abaartu saameysay.
6′ Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood.
7′ Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, isaga oo carrabka ku adkeeyay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dekadaha, beeraha iyo kalluumeysiga.
8′ Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.
9′ Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa daah-furay tartanka cilmiyeedka bisha Ramadaan, isaga oo hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sannadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka.
10′ Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdillaahi Bidhaan Warsame, ayaa qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaaliya, Hameed Nuur, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta maamulka biyaha iyo adeegsiga hannaan casri ah oo xog-ururin ah.
11′ Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.
12′ Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan, waxayna ka wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.
13′ Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kormeer ku tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo dib-u-dejin rasmi ah u sameeyay qoysaskii ay hore uga barakiciyeen kooxda Khawaarijta.
14′ Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Claver Gatete, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyadoo kulanka looga hadlay dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
15′ Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dal.
16′ Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga oo tilmaamay ahmiyadda mashruucan u leeyahay dowlad-dhiska dalka.
17′ Wasiirka Batroolka, Daahir Shire Maxamed, ayaa maalin taariikhi ah ku tilmaamay in dalka Turkiga laga soo sagootiyay markabka Cagri Bey, oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
18′ Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, ayaa shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaan-maamulka maaliyadeed ee dalka.
19′ Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi, Axmed Diiriye.
20′ Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee aasaaskooda, iyagoo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
21′ Dalka Turkiga ayaa laga soo sagootiyay markabka Cagri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.
22′ War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay sheegtay inay siisay Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
23′ Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay madaxda amniga iyo socdaalka ee Dowladda Soomaaliya go’aankii lagu ansixiyay naqshadda iyo daabacaadda baasaboorka cusub ee Urur-Goboleedka Bariga Afrika (EAC) ee Soomaaliya.
24′ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cumar Cali Afrax, ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
25′ Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Kirsten Young oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.
26′ Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jarmalka, Mudane Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu guddoomay warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ee dalka Hungary.





