Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Date:

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib markii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha William Ruto inuu noqdo Danjire Ku-xigeenka dalka Kenya u fadhiyi doona Soomaaliya.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aden Duale, iyo Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka, danjireyaal, senatarro, culumaa’udiin, odayaal, musharraxiin siyaasadeed iyo wakiillo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Danjire Elyaas Barre Shiil kalsoonida loo muujiyay, iyagoo u rajeeyay guul iyo horumar shaqadiisa cusub, gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...