Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aaasaaskooda.

Wasiirku waxa uu si gaar ah u bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ku leeyihiin difaaca qaranka, taageeridda hawlgallada la dagaallanka argagixisada, fulinta samatabbixinta degdegga ah, iyo ka qayb-qaadashada sugidda amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Cirka geesinimada, hufnaanta, iyo heeganka joogtada ah ee ay u muujiyaan difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...