Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Date:

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, isaga oo ah Isu-duwaha Kooxda A3, ayaa guddoomiyay Shirkii lixaad ee Heerka Wasiirada A3.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Liberia, Marwo Sara Beysolow Nyanti; Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Marwo Noëlla Ayeganagato Nakwipone; Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka, Danjire Bankole Adeoye; iyo Kormeeraha Joogtada ah ee Midowga Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Mohamed Fathi Edrees.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta mudnaanta iyo danaha Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyaga oo adkeeyay baahida loo qabo xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Kooxda A3, si loo mideeyo codka Afrika loona kordhiyo saamaynteeda istaraatiijiyadeed ee heer caalami.

Wasiirada ayaa isla gartay muhiimadda midnimada Afrika oo ku dhisan aragti istaraatiiji ah oo cad iyo mabda’ wada-tashi ku saleysan, xilli ay jirto hubanti la’aan sii kordhaysa oo ka jirta nidaamka caalamiga ah, iyaga oo ku baaqay in la dhowro lana xoojiyo nidaamka wada-jirnimada caalamiga ah (multilateralism).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...