Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.
Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad qeybta koowaad ee kumaandooska Gorgor Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi oo hoggaaminayay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ku howlanaa farsameynta qaraxyada si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.
Howlgallada ka socda gobollada Dalka ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyagoo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dadka masaakiinta ah dhibaateyn jiray.

