Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Date:

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay’adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha (DPA) ayaa si wadajir ah u qaban doona Shirweyne Qaran oo ah midkii ugu horreeyay ee Kaabeyaasha Dijitaalka (Digital Public Infrastructure Summit – DPI).

Shirweynahan, oo ah mid taariikhi ah, ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho 14–15 Febaraayo, waxaana lagu wadaa inuu noqdo madal qaran oo lagu xoojiyo wadahadalka, is-dhexgalka iyo is-waafajinta dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dijitaalka ee dalka.

Ujeeddada shirweynahan ayaa ah in la dhiso aragti qaran oo mideysan oo ku saleysan horumarinta iyo isku-xirka nidaamyada dijitaalka ah, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, loona dardargeliyo isbeddelka dijitaalka ee Soomaaliya, iyadoo la hubinayo hufnaan, isla xisaabtan iyo adeegyo casri ah oo ay helaan muwaadiniinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...