Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Wadatashiga Qaran, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha ka jira dalka.

Shirkan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee ururrada ay hoggaamiyaan haweenka iyo kuwa u dooda xuquuqda haweenka, iyada oo la adkeeyay muhiimadda ay haweenku ku leeyihiin qorsheynta, gaarsiinta iyo hirgelinta gurmadka bani’aadannimo.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa xusay in ka qaybgalka firfircoon ee haweenku uu yahay tiir muhiim u ah gurmad waara, loo siman yahay, kana jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ay sida gaarka ah u saameeyeen abaaruhu.

Kulankaan waxaa qeyb ka ah hay’adaha gargaarka bixiya iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...