Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Date:

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka ah ee ku yaalla deegaanno ka tirsan dalka. Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah loogana sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhigyo iyo meelaha ay isku uruursadaan Khawaarijta, waxaana ciidamada ay guulo la taaban karo ka gaareen, iyadoo la burburiyay goobo ay cadowgu u adeegsan jireen abaabul iyo dhagarro. Sidoo kale, ciidamadu waxay xaqiijiyeen ammaanka deegaannada la xoreeyay, si ay shacabka ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in baacsigu sii socon doono ilaa gebi ahaanba laga ciribtirayo Khawaarijta, ayna ka go’an tahay in la sugo amniga guud ee dalka iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shacabka ku nool deegaannada ay howlgalladu ka socdaan ayaa lagu wargeliyay inay la shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay hawlgalladu ka socdaan, si loo ilaaliyo badqabka guud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...