Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Wasiirka booqashadiisa uu ku yimid dalka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay xoojinta xiriirka labada dal ee kor u qaadista iskaashiga kaabayaasha dekadaha iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.

Inta ay wafdigu ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxay ay kulamo rasmi ah la yeelan doonaan madaxda sare ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...