Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo u yimid wadahadallo heer sare ah oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo sidoo kale xusay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato taageeridda Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, oo ay ku jirto Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kulanka waxaa ka qeyb galay Mudane Cali Onaner, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, iyo Mudane Alper Aktaş. Safirka Turkiye u fadhiyo somalia. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii amba-qaado wadatashiyada joogtada ah iyo iskaashiga ku aaddan dhinacyada mudnaanta u leh labada dal, si loo sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...