Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya Peterschmitt Etienne iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda FAO, gaar ahaan dhinacyada horumarinta beeraha, sugnaanta cunnada, la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, iyo taageerada beeraleyda ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu saameyeen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Hay’adda FAO doorka ay ka qaadato taageerada horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo adkaynta nolosha bulshada, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga wadajirka ah.

Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee horumarinta beeraha iyo sugnaanta cunnada, wuxuuna ballanqaaday in Hay’addu sii wadi doonto taageerada ay siiso bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...