Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya Peterschmitt Etienne iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda FAO, gaar ahaan dhinacyada horumarinta beeraha, sugnaanta cunnada, la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, iyo taageerada beeraleyda ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka abaaruhu saameyeen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay Hay’adda FAO doorka ay ka qaadato taageerada horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo adkaynta nolosha bulshada, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga wadajirka ah.

Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee horumarinta beeraha iyo sugnaanta cunnada, wuxuuna ballanqaaday in Hay’addu sii wadi doonto taageerada ay siiso bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...