Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Date:

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga dareemayo caasimadda, isaga oo sheegay in amniga hadda jira uu suurto-geliyey in bulshada ay si nabad ah oo aan cabsi lahayn u wataan nolol-maalmeedkooda habeen iyo maalin.

“Saddex sano ka hor suurtagal ma ahayn in qofku keligiis habeenkii adeegto, halka maanta amniga ka jira caasimadda uu suurto-geliyey dhaqdhaqaaq habeen iyo maalin ah,” ayuu yiri wasiir-dawlihii hore.

Waxa uu intaa ku daray in horumarkan dhanka amniga ah uu ku yimid dadaal iyo hawlkarnimo ay dowladda gelisay sugidda amniga caasimadda, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey ciidamada amniga doorka weyn ee ay ka qaateen xaqiijinta nabadgelyada.

“Dowladda waxaan ku bogaadinayaa sida ay uga dhabeysay ballanqaadkeedii ku aaddanaa sugidda amniga,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Muddadii u dambeysay waxaa isbadal weyn laga dareemayay amniga caasimadda marka loo eego bilooyinkii hore, taas oo keentay in siyaasiyiin iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ku ammaanaan dadaallada ay ku bixinayso sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...