Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan, oo muhiim u ah horumarinta iyo tayeynta nidaamka caafimaadka dalka, waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa diiradda saaraya mideynta dadaallada, xoojinta wada-shaqeynta, iyo hirgelinta hannaan maalgelin oo waara, si loo xaqiijiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...