RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Amb. Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada Dowladood.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Roma kaga qeybgalay shirka Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...