Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa guddoomiyey shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo ee wasaaradaha, xoojinta isku-xirka hay’adaha dowladda, saameynta abaaraha, iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh adeegyada bulshada.

Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale laga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo helo maamul hufan oo wax ku ool ah.

Madaxweynaha ayaa Agaasimiyaasha Guud ku bogaadiyey dadaalkooda, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan hufnaanta shaqada, isla-xisaabtanka, iyo u adeegidda shacabka. Waxa uu sidoo kale adkeeyey in la dardargeliyo fulinta siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, Madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn joogto ah, hoggaan wanaagsan, iyo mas’uuliyad qaadasho, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan bulshada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena...