Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen dhammaan safiirrada waddamada Afrika ee fadhigoodu yahay dalka Koonfur Afrika.

Shirkan, intii uu socday, waxaa si rasmi ah looga wada hadlay arrimo muhiim ah oo khuseeya dowladaha caalamka iyo xiriirka dalalka.

Shirka waxaa si gaar ah looga hadlay arrinta la xiriirta Israa’iil, oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u aqoonsatay qaybo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa jeediyay qudbad muhiim ah, isagoo si cad u sheegay in tallaabo kasta oo lagu faragelinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay mid aan la aqbali karin, kana hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Safiirku waxa uu xusay in Israa’1l ay isku dayayso inay u wareejiso dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe dhul Soomaaliyeed, taas oo khatar ku ah amniga gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dhankooda, dhammaan safiirradii kulanka goob-joogga ahaa ayaa xusay inay ka soo horjeedaan tallaabada ay qaaday Israa’1L, ayna xasillooni-darro ku tahay xaaladda gobolka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in ay muqaddas tahay ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo midda cir ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale adkaynaysaa mowqifkeeda cad ee ku aaddan ilaalinta midnimadeeda dhuleed, isla markaana waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo go’aamada sharci ee caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...