Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Date:

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Maxamed Adam Macallin (Soomaali) oo shirkaa ku matalayay Dowladda Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan si loo dhiso mustaqbal dijitaal loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya jihada horumarka dijitaalka ee gobolka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan hal-abuur aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...