Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...