Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, kaas oo looga hadlayay xaaladda abaarta iyo amni-darrada cunno ee dalka ka jirta.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaato go’aammo wax-ku-ool ah oo ku saleysan xog dhab ah, halkii laga diyaarin lahaa qorshayaal guud oo waqti qaata, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ugana hortago in xaaladdu faraha ka baxdo.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray meelaha ugu nugul ee ku jira marxaladda IPC Phase 4, waxaana lagu gorfeeyay diyaarin jawaab degdeg ah oo leh miisaaniyad iyo masuuliyad cad.

Guddoomiye Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda iyo la-hawlgalayaasha, isagoo dhammaan dhinacyada ku booriyay in ay si wadajir ah uga hortagaan halista isa soo taraysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...